Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray digniin ku socota guryaha & Garaashyada

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir cusub iyo digniin la xariirta xaqiijinta amaanka magaalada

Awaamiirtan ayaa ku socota Garaashyada iyo Guryaha ku yaala degmooyinka Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka G/banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in lala wareegi doono Garaashyada iyo Guryaha laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa.

“Maamulka gobolka waxa uu faraya dadka leh guryaha banaan ee aan deegaan aheyn ee ku dhaxyaala magaalada iyo hareeraheeda iyo waliba garaashyada ku yaala koonaha magaalada Muqdisho in lala wareegi doono gurigi ama garaashkii laga soo tuuro ama lagu farsameeyo waxyaabaha qarxa” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili mudooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho ku soo kordhayeen falalka amni darada ah iyo weerarada Al-shabaab geysanayaan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

 

Related posts

Xarun Degmo ay Al-Shabaab qarxiyeen oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Roobab daadad wata oo ku dhuftay Puntland iyo isgaarsiinta oo go’an

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan Wasaaradda Maaliyadda oo loo heesto Musuq maasuq oo maxkamadda …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---