Allbanaadir.com
NEWS

CIA-da Mareykanka oo War ka soo saartay geerida Prigozhin & cida ka dambeysay

CIA-da Mareykanka ayaa ka hadashay geerida Madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin oo ka mid ahaa toban qof oo saarnaa diyaarad gelinkii danbe ee shalay ku burburtay Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay geerida Prigozhin oo bishii June sameeyey isku day afgambi oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.

Diyaaradda burburtay ayaa waxaa saarnaa saddex duuliye iyo toddoba qof oo rakaab ah, waxaana ay ka kacday magaalada Moscow iyadoo kusii jeedday magaalada St. Petersburg. Waxay ku dhacday meel 100 km dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Ruushka.

“Meyd socda” waa sida ay dadka arrimaha Ruushka la socda ku qeexeen hoggaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin tan iyo waagii uu kacdoonka ka sameeyay Moscow dabayaaqadii June.

Falcelintii hore ee Madaxweyne Putin waxay ahayd mid cambaareyn adag ah, isagoo ku tilmaamay dhabar ka toogasho, markii uu muuqaal soo duubay 24-kii June.

Xaqiiqdu waxay ahayd in heshiis la gaaray taasoo keentay in Prigozhin uu kasoo muuqdo Belarus, St Petersburg iyo toddobaadkanna, meel ka mid ah Afrika, micnaheeduna ma ahayn inuu badqab dareemayay.

Agaasimaha CIA William Burns ayaa sheegay in dhacdadan ay iska cadahay iney tahay aargoosi, “Waa cunno uu Putin jecel yahay in qabowga lagu siiyo”.ayuu yiri William Burns.

 

 

Related posts

Guddoomiye Cali Jeyte oo soo gaaray Muqdisho kana hadlay Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

(Sawirro) Olole oo cusub oo laga bilaabayo Muqdisho iyo Cumar Filish oo daahfuray

Caydiid Ali

Wado Laami ah oo isku xirta jidka 30-ka iyo Laamiga Garawe oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade