Allbanaadir.com
NEWS

Lix waddan cusub oo ku biiraya Ururka BRICS oo la shaaciyay iyo Dalal Carbeed oo ku jira

Shirweynihii 15-aad ee Madaxda dalalka ku bahoobay Ururka BRIC uga socda magaalladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa isla qaatay in la ballaariyo Ururkaasi.

Madaxda dalalkii asaasay Ururkaasi oo kala ahaa Brazil, Raashiya, India, China iyo Koonfur Afrika waxay isku raaceen inay 6 Waddan oo cusub ku soo biiraan Ururkaasi bilowga sanadka soo socda ee 2024-ka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa oo haatan Madax ka ah Ururkaasi ayaa ku dhawaaqay dalalka cusub ee loo oggolaaday inay xubno ka noqdaan Ururka BRICS, kuwaasi oo 3 ka mid ah yihiin dalal Carbeed.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa sheegay inay go’aansadeen in Ururka BRICS ku soo biiraan dalalka Masar, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Sacuudiga, Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran, Ethiopia iyo Argentine.

“Xubnimada 6-da Waddan waxa uu dhawaan gel noqon doonaa bisha January kowdeeda ee sanadka 2024-ka” ayuu sii raaciyey Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo ka hadlayey Shirka Madaxda dalalka BRICS uga socday magaalladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Ku-dhawaad Labaatameeyo Waddan ayaa horey u codsaday inay ku biiraan Ururka BRICS.

Shirka Madaxda dalalka xubnaha ka ah Ururka BRICS oo maanta oo Khamiis ah la soo gunaanadayo ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxda 50 dal oo kale oo lagu casuumay.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Related posts

Puntland miyeysan Boolis laheyn? Maxaa Ilaalada Madaxtooyada loogu diraa howlgalada?

Caydiid Ali

Somalia oo lacag lagu yeeshay awgeed ku weyn doonta cod heer caalami ah

Caydiid Ali

Dowladda Somalia & dowlad goboleedyada oo War ka soo saaray canshuurta Gadista

Caydiid Ali
Taboola Ads ---