Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka oo kusii dhawaanaya Ceelbuur

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamo katirsan howlgalka ATMIS iyo kuwa dadka deegaanka ayaa kusii siqaya deegaanno hor leh oo gacanta ugu jira dagaalyahannada kooxda Al Shabaab .

Sida aan xogta ku helnay ciidamo ka baxay degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud oo maalmo kahor Al Shabaab laga saaray ayaa kusii siqaya deegaanno hor leh oo ka baxsan degmadaasi ay joogeen Al Shabaab .

Ciidamada oo wata hubka culus ee dagaalka ayna kor kala socdaan diyaarado ayaa kusii dhawaanaya deegaanka Dac oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Ceelbuur, waxaana deegaankan la filayaa in saacadaha soo aadan ciidanka galaan.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay kusii dhawaanayaan qabsashada Ceelbuur, waxa ayna xuseen in rejo weyn ka qabaan maalmaha soo aadan in ay galaan degmada Ceelbuur oo ah saldhigga ugu weyn Al Shabaab ee gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in degmada Ceelbuur ciidanka ka galaan dhowr jiho, waxaana hadda howlgalka xoogiisa ka socdaa dhinaca degmada Wabxo, iyadoona la filayo in ciidamada deegaanno kale ka dhaqaaqaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho gaaray & xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka golaha Wasiirada Somalia oo looga hadlay qodobo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farxiyo Falfaloos oo dib u heshay kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---