Allbanaadir.com
NEWS

Xukun lagu riday Dad la socday gaari lagu qabtay isaga oo wada agabka qaraxyada loo adeegsado

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno klala duwan ku riday rag iyo haween ciidamada ammaanka qabteen, iyaga oo la socda gaari nuuca Layla Calaawi loo yaqaan oo lagu soo qaaday agab loo adeegsado  waxhaabaha qaraxyada.

Gaarigan oo kasoo baxay deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa la socday shan haween ah iyo sidoo kale darawalka gaariga iyo ninkii kirishboyga ka ahaa gaarigaasi.

Maxkamadeynta dadkan oo ka socotay maxkamadda ciidamada qalabnka sida ayaa ugu dambeyn maanta maxkamadda xukunno kala duwan ku riday dadkan lagu qabtay gaariga ay saarnaayeen waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado.

Yusuf Cali Nuune Aadan oo ahaa darawalkii gaariga waxay ayaa maxkamadda ku riday saddex sanno oo xabsi ciidan ah, waxaana xukunkan sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu kusoo qaaday gaariga  uu darawalka ka ahaa.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in ay Muqdisho aysan ka bixi karin haweenkii gaariga lagu qabtay muddo laba sanno ah, sidoo kale isha ku heyn doonaan booliiska ,kuwaa oo kala ah  Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa dambi ku weysay siina deysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre , oo ahaa kirisdhbowgii la socday gaariga lagu qabtay agabka qaraxyada lagu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Safka hore iyo ATMIS oo heshiis ka gaaray Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Gaari ciidan oo Caruur Dugsiley ah dhimasho iyo dhaawac ugu geystay Muqdisho

Caydiid Ali

Muwaadiniin Kenyan ah oo lagu laayay gudaha Soomaaliya iyo meydadkooda oo la geeyay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---