Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya oo yeeshay Iskaashi cusub oo muhiim ah (Sawirro)

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka XFS Xildhibaan Dr. Mohamed Hassan Mohamed oo maalmahaan howlo shaqo u joogay dalka India ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalka India ayaa labadda masuul waxa ay uga wada hadleen iskaashi dhexmara labadda wasaaradood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

Wasiirada ayaa isku afgartay in laga wadashaqeeyo iskaashi miro dhal ah sida dhanka daawada, tababaridda iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’adaha caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa la isku soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan.

Related posts

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo qalab ciidan ugu deeqday Booliska Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamaanka dal Afrika kuyaalla oo u codeeyay in Safaarada Israa’iil ee dalkooda la xiro

Cabdi Cade

(Akhriso) AFRICOM oo war cusub ka soo saaray duqeyntii lagu dilay C/llaahi Nadiir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---