Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee maamulka Puntland ayaa soo saartay jadwalka fariisinta goleyaasha deegaanka degmooyinka ee maamulka Puntland.
War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu shaaciyay in la bilaabayo fariisinta goleyaasha deegaanka ee la soo doortay 29/08/2023 oo ah maalinta daah-furka fariisinta goleyaasha deegaanka ayna soconeyso ilaa September,2023.
Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa fartay dhammaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay u diyaar garoobaan fariisiinta, dhaarinta iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Goleyaash Deegaanka.
Halkan ka akhriso qoraalka wasaaradda kasoo baxay