Allbanaadir.com
NEWS

Taliban oo Diyaarad la reebtay 100-habood oo deeq waxbarasho siiyay Khalaf Al Habtoor

Urur Taliban ayaa la sheegay inay hor istaageen inay dalkaas ka dhoofaan, hablo deeq waxbarasho ka helay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la qorshaynayey inay halkaas ku dhamaystaan waxbarashadooda heerka jaamacadeed.

Khalaf Al Habtoor, oo ah ganacsade u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku baahiyey muuqaal uu ku sheegayo, inuu kafaalo qaaday waxbarashada 100 hablood oo u dhashay Afganistan, hase ahaatee ay subaxnimadii arbacada soo gaadhay war aan wanaagsanayn oo sheegay, in maamulka Taliban ay hablahaas u diideen inay raacaan diyaaraddii ku sugaysay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

“Ma garanayo ereyada aan ku cabbiro niyad-jabka aan dareemayo” ayuu yidhi Al-Habtoor oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda Al Habtoor Group. Ganacsadahan ayaa ka mida, maalqabeenada sida aadka ah looga ixtiraamo dalka Imaaraadka Carabta.

Al Habtoor ayaa sheegay, inaanu maanta faraxsanayn, sababtoo ah, ardaydii uu kafaalo qaaday, waxay fursad u waayeen inay gaadhaan Dubai, halkaas oo ururkiisu uu goorhoreba uga sii qorsheeyey inay waxbarasho iyo degsiimo ka helaan, iyada oo hawshaasi ay socotay muddo bilo ah.

Xukuumadda Taliban ayaan iyagu wax falcelina ka bixinin arrintan, waxa ayuna kooxdan aad uga spp horjeedaa waxbarashada haweenka dalkaasi, waxa ayna kooxda qaaday tallaabooyin ka dhan ahaa haweenka Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada Gudoonka Baarlamanka Puntland oo la magacaabay (Magacyada)

Caydiid Ali

Hal Milyan oo Muslimiin ah oo ku xir xiran Mid kamid ah Wadamada Caalamka

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Masjid la tilmaamay in uu yahay kan ugu yar Caalamka !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---