Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanow Cunsuriyadda iyo kala Sareynsiinta Ummadda Soomaaliyeed adinkaa Masuul ah

Waxaan murugada la qeybsanayaa reerka uu ka baxay Marxuum  Axmed Dowldo oo si arxan daro ah ay u dileen Dad waxgarato ah oo cunsuriyad iyo islaweynin sheydaan ku jirtay waxaan Marxuumka alle uga baryayaa in uu naxariistee Jano ka waraabiyo.

Xildhibaanadii qarankow reerka aad doontaad kasoo jeeda waxaa xaqiiqo ah in aad qeyb ka tihiin takoorka iyo cunsuriyadda lagula kacay Marxuum  Axmed Dowldo AUN iyo kuwa kale oo badan oo aad idinka calaamad gaar ah u yeesheen.

Adinka ayaa xadgudub cad u geystay Qeybo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo bulshada u sheegay in ay jiraan dad soomaaliyeed oo .5 ah , taas oo ah xad gudub cad oo aad ka gasheen guud ahaan umadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Beelaha aad dulmiseen ee aad u horseedeen in ay waxmagaratadu u fahmaan in ay dadka ka hooseeyaan.

Masuuliyada Kowaad ee dulmiga meesha yaalo ee heyb sooc ah waxaa qaadayo Xildhibaanada ogolaaday in dadkooda ay dadka ka hooseeyaan , waayo waxaa hubaal ah haddii ay iska diidi lahaayeen in xal loo heli lahaa arinkaas xad gudubka ku ah Ummadda Soomaaliyeed ee ay jideeynayaan dadkii ummadda indhaha u noqon lahaa.

Waxaad Sheegataan Aqoonyahano , xildhibaano iyo siyaasiyiin , sidaas ay tahay waxaad ku dhaqantaan cunsuriyad cad oo dadka agtiina waxay ay ku kala qaalisan yihiin ama ku kala fadli badan yihiin qabiilka ama reerka ay kasoo jeedaan , waana dulmi aad u geysteen Walaalo Soomaaliyeed oo aadan waxba dheereyn.

Agtiina ayey Sharci ka tahay in Prof Dalxa oo siyaasi iyo aqoonyahan rug cadaa ah uusan xaq u lahayn in uu isu sharaxo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Qabiilkiisa awgiis lakiin kuwa badan oo dhan walbo uga liito ay isu sharixi karaan qabashada Jagooyinka Dalka u sareeyo.

Xildhibaanaddii qarankow ogaada in dhamaantiin aad tihiin cunsuriyiin aqbalay in ay dadka Soomaaliyeed kala qaalisan yihiin kalana sareeyaan  , ogaada in aad Masuul ka noqoneysaan Qalad walbo oo waxmagaratadu u geysato dadka aad kuraasta Baarlamaanka ku heyb soocdeen.

Ugu danbeyntii weli ka gaaris ayaad leedihiin oo taladu adinka ayey idinka go’daaye ka daaye ummadda Soomaaliyeed kala sooca iyo kala sareynsiinta beenta ah ee Sheydaanku idiin qurxiyey.

 

W/Q: Abdirahman Hassan Yusuf (Gacaltooyo)

Email:abdirahmanhy@gmail.com

Facbook: https://www.facebook.com/abdrahmangacaltooyo

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka dhigan tahay in shacabku isdifaaco marka la waayo dowlad difaacda?

Caydiid Ali

Qarax labaad oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Qorshe Howlleedka Maamulka G/Banaadir ee 2019 oo la meel mariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---