Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah waxa ay ku qaadeen saldhigga booliiska degmada Kaxda , waxa ay sidoo kale weerareen fariisimo ciidanka ku lahaayeen degmadaasi.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al Shabaab weerar qarax ku bilowday xalay ku qaadeen saldhigga booliiska degmada Kaxda, sidoo kale weerareen goobo kale.
Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidanka booliiska ee ku sugnaa saldhigga booliiska Kaxda oo heegan ku jiray ay iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday, waxa uuna xusay in khasaaro la gaarsiiyay kooxdii weerarka soo qaaday.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in weerarkii ka dhacay saldhigga Kaxda ku geeriyoodeen labo askari oo katirsanaa booliiska sidoo kale ku dhaawacmeen askar iyo dad shacab ah oo ka gadhawaa saldhigga la weeraray.
Weerarka Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Kaxda ayaa ahaa kii ugu xooganaa ee muddooyinkan ka geestaan Muqdisho, waxaana weerarkan uu yimid xilli Galmudug uu ka bilowday howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.