Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga oo saraakiil katirsanaa Al Shabaan ku qabtay deegaanka Cowsweyne

Ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ee shalay la wareegay deeganka Cowswayne ayaa gacanta ku dhigay saraakiil iyo xubno kale oo katirsanaa dagaalamayaasha Al Shabaab.

Raggan ay qabteen ciidanka huwanta ayaa waxaa kamid ahaa Cabdiraxmaan Foodeey kulmiye, Cabdullaahi Ibraahim Xasan , Aadan Ibraahim Abshir iyo dagaalyahanno kale oo duurgal ahaa kana tirsanaa Al Shabaab

Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa lagu baahiyay in xubnahan lasoo bandhigay ay ka shaqeenayeen dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku dhaqnaa deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo shalay la wareegay deegaanka Cowsweyne ayaa wada howlgalo ay ammaanka deegaanka ku xaqiijinayaan kuna baacsanayaan Shabaabkii deegaankaasi ka baxay.

Related posts

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo Weerar afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Aqalka sare

admin

Al Shabaab oo shaacisay magacyada iyo qabiilada labo kamid ah ragii Weeraray SYL Hotel

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray dalka Taariikh ahaan wax ka Ogoow Yaase ugu Xil dheeraa!!

admin
Taboola Ads ---