Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus oo dhowr jiho ah kusoo qaaday xarumo iyo fariisimo ciidan oo kuyaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Weerarkan oo xalay saqdii dhaxe dhacay ayaa kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Kaxda ,gaar ahaan saldhigga booliiska, xarunta degmada iyo labo fariisin ay joogaan ciidanka xasilinta.
Al Shabaab ayaana weerarkan ku bilaabay qorayga loo yaqaan baasuukaha , waxa ayna kaddib hubka nuucyadiisa kala duwan ku fureen goobaha ay weerareen, waxa ayna iska caabin kala kulmeen ciidankii joogay goobaha ay weerareen.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in Al Shabaab ku dhufteen saldhigga booliiska degmada Kaxda, waxaana xalay Kaxda u aheyd habeen adag oo saacad ku dhawaad lagu dagaalamayay.
Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday weerarka Al Shabaab xalay kusoo qaadeen degmada Kaxda , waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay tiro kale oo isugu jira shacab iyo ciidan.
Weerarkan xalay Al Shabaab ka geesteen magaalada Muqdishgo ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee muddooyinkan ka dhaca caasimadda, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ciidanka dowladda wadaan howlgalo Al Shabaab uga xoreenayaan gobolka Galgaduud.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com