Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu soo dhoweeyey degaanka Nuur Dugle (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi  hogaaminayo oo maanta gaaray deegaanka Nuur-dugle ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.

Madaxweynaha oo wafdigiisa uu ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa u kuurgalayay xaaladaha deegaanka sida amniga iyo baahiya ay qabaan bulshada.

Madaxweynaha ayaa Deegaanka Nuur-dugle ku qabtay Shirka Xasilinta iyo Nabadeynta isagoo dhanka kale kulan  fool ka fool ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  oo uu ka dhageystay baahiyahooda ku qotoma adeegyada assasiga ah ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay bulshada Nuur-dugle sida geesinimada leh ay isaga dulqaadeen al-shabaab ugana shaqeeyeen amniga iyo xasiloonida.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sidoo kale booqday deegaannnada Geedi Xeer, Qaahiro, Xasan Geeddi iyo Maxaa saciid, waxa uuna  deegaanka Xasan Geeddi kulan kula qaateen Nabadoonada iyo waxgaradka deegaanka.

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo goordhaw lagu dilay magaalada Cape Town

Cabdi Cade

Ajaaniib laga shakiyay oo gacanta lagu dhigay iyo baaris ku socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---