Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

ECOWAS oo ku gacan seyrtay arrin ay soo jeediyeen Milateriga qabsaday xukunka Niger

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, ayaa diiday soo jeedin ka timid taliska milatariga Niger oo ahayd in doorasho lagu qabto saddex sano gudahood, taasoo kordhinaysa xiisadda siyaasadeed ee dhalin karta faragelin milatari haddii aan heshiis la gaarin ka dib afgambigii July.

ECOWAS iyo quwadaha kale ee caalamiga ah waxay raadinayeen xal diblumaasiyadeed iyo markii milaterigu la wareegeen xukunka Niger.

Laakiin ka dib isku dayo dhowr ah oo wadahadal ah ayaa fashilmay, kooxda – oo mowqif adag ka qaadatay Niger marka loo eego deriskeeda ay hogaaminayaan militariga – waxay hawl galiyeen ciidamo goboleed ay madaxda militarigu sheegeen inay diyaar u yihiin in la geeyo haddii wadahadaladu fashilmaan.

Waxay laba jibaartay hanjabaadeeda Jimcihii, hal maalin ka hor inta aan xukunka milatarigu aakhirkii ku heshiin inay la kulmaan wafdi ECOWAS ka socday caasimadda Niamey, kaasoo soo jeedinaya rabitaan cusub oo iskaashi ah.

Qudbad telefishan laga sii daayay oo uu qaranka u jeediyay fiidnimadii Sabtida, hogaamiyaha milateriga Niger General Abdourahamane Tiani ayaa sheegay in hogaamiyayaasha afgambiga ay wali u furan tahay wada hadal.

Laakin waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada milatariga ay ka tashan doonaan dib ugu noqoshada dimoqraadiyada muddo seddex sano gudahood ah.

Guddoomiyaha ECOWAS Abdel-Fatau Musah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Isniintii in mawqifka ururka uu yahay mid cad.

Natiijada “wadahadallada aan rasmiga ahayn ee socda” ayaa go’aamin doona in ECOWAS ay u diri doonto ciidamo dalka Niger si loo soo celiyo dowladii la afgembiyey.

ECOWAS ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Mali sanadkii hore ka dib markii maamulada ku meel gaarka ah ay ku guuldaraysteen in ay abaabulaan doorashooyin ay balan qaadeen,.

Dalka Niger ayaa waxaa tan iyo markii afgambiga ka dhacay dalkaasi lagu soo rogay cunaqabateyn caalami ah oo ay ku jirto ururka ECOWAS oo cadaadis dhaqaale saarayay mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka.

Related posts

Muxuu ergayga DF ee Somaliland kala hadlay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya?

Caydiid Ali

RW Khayre oo saddex arimood u balan-qaaday Ciidamo uu tababar u socdo (Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---