Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku cusub dhegaha dad badan (Sawirro)

Dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa heshiis la gaartay Shirkadda Iffi iyo shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga, kaasoo ku Aadan bilaabidda mashruuc koronto looga dhalinayo qashinka caasimadda.

Ujeedada mashruucan ayaa ah si loo helo xoog koronto tayo leh, islamarkaana qashinka looga nadiifiyo caasimadda.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada tamara iyo kheyradka biyaha dowladda FS mudane Ibrahim Maxamed Cali, mas’uuliyiinta shirkadaha heshiiskan qaybta ka ah, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay heshiiska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madasha ayaa xusay in heshiiskan uu waxtar wayn u leeyahay caasimadda oo sanadihii dambe samaynaysay horumar wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah.

Mudane Ibrahim Maxamed Cali wasiir ku xigeenka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda FS ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu caasimadda u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo codsi muhiim ah u dirtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF

Cabdi Cade

Iran oo ku hanjabtay aargoosi kadib weerar lagu qaaday xarun Nukliyeerka lagu farsameeyo

Cabdi Cade

Aadan Madoobe & wafdigiisa oo soo gebagebeeyey booqashadii Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---