Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu waday inay kulan ku yeeshaan Muqdisho ayaa waxaa kulankooda ku yimid dib u dhac.
Kulankan ayaa u baaqday sababo la xariira Kooram la’aan sida ay sheegeen xubno ka tirsan guddoonka oo la hadlay xildhibaanadii soo xaadiray.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Arbaco ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka Baarlamanka.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ayaa nasiib daro ku tilmaamay in kulanku u baaqdo sababo la xariiira kooram la’aan.
Hab-dhawrka Golaha Shacabka ayaa akhriyay dhamaan magacayada xildhibaanada maqan ee aan soo xaadirin fadhigii maanta.
Waa markii ugu horeysay ee uu kooram la’aan uu u baaqdo kulan ka mid ah kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan dib uga furmay magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com