Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir xasaasi ah oo Magaalada Nairobi uga socda Somalia iyo dalalka COMESA

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka bilowday wadahadallo u dhexeeya Soomaaliya iyo wakiillada Beesha Dhaqaalaha ee Bariga Afrika EAC oo ay Soomaaliya codsatay inay ka mid noqoto.

Saraakiil gobolka ah ayaa laga soo xigay inay sheegeen in Soomaaliya ku biiri karto EAC sannadankan, hase yeeshee waxaa ka horraysa in guddiga qiimaynaya ay warbixintooda u gudbiyaan madaxda toddobada waddan ee haatan ku jirta ururkaas.

Sida ay wafdiga Somalia sheegeen waxaa shirka fadhiya dhamaanba todoabada waddan ee xubnaha ka ah ururka iyo wafdiga Soomaalida oo ah mid aad u ballaaran.

“Annagu waxaan dhannahay 45 qof oo ah shaqaale dawladda Soomaaliya u shaqeeya kuwaasoo ah kuwa ugu tacliin badan shaqaalaheenna, si aan uga jawaabno wixii nalaga weydiiyo galista ururka”, ayuu yiri Cabdisalaan Hadliye oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan ku biiritaanka urur goboleedka Afrikada Bari.

Cabdisalaan Hadliye intaas ku daray in afar tiir oo waaweyn ay leeyihiin xubnaha uur goboleedkaas.

“Kan ugu horreeya waa in la isku daro canshuuraha iyo kastamada, kan labaadna waa in suuqyada la isku furo oo qof kasta uu ka ganacsan karo suuqyada dalalkaas, uuna ka iibin karo ganacsigiisa” ayuu yiri Hadliye.

Labada qodob ee kale ayu ku tilmaamay kuwo mustaqbalka fog ah oo la isku darayo lacagaha iyo in la noqdo sida “midowga Yurub oo kale”.

Shirka madaxda dalalka Afrikada Bari ee soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliya lagu ogolado xubinnimada Soomaaliya, ayadoo shirkan uu yahay kii farsamo ee ugu dambeeyey. Shirka madaxda ayaa la filayaa inuu dhaco bisha Nofembar.

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

Puntland: “Dowlada federaalku ma xiri karto Qunsuliyada Itoobiya ee Garowe”

Caydiid Ali

Ahlu-Sunna & Wasaaradda A/Gudaha oo isku dhegan & Kenya oo mar kale wada qorshe..

admin
Taboola Ads ---