Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Drs. Sucaad “Maskaxda qofka qaadka cuna way ka duwan tahay maskaxda qofka kale”

Sucaad Abdulrehman oo ah dhaqtarad ku taqasustay cudurada ku dhaca dhimirka & kuwa jinsiga, oo fadhigeedu yahay Magaalada Hilversum ee waddan Netherlands, ayaa wareysi lala yeeshay waxeey kaga hadashay kororka xanuunada dhimirka ku dhaca, sida loo daweyn karo & saameynta ay bulshada ku keenaan.

Sucaad, mar ay ka hadleysay  xaalada dadka qaba xanuunka dhimirka ee ku dhaqan dalkeena waxey sheegtay inuu jiro dayac, waxeyna ka  dalbatay Dowladda Soomaaliya & hay’adaha xuquuqda aadanaha in dadkaasi la siiyo daryeel gaar ah.

Wareysigan oo ay Sucaad siisay dalladda FSAN ee ay ku middeysan yihiin ururada Soomaalida ee ka dhisan waddanka Netherlands, waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in dhaqanka Soomaalidu uu kaalin weyn ka qaadanayo habka fududeynta daweynta cuduradaasi, iyada oo dadku marka uu ku dhaco xanuunka maskaxda halkii dhaqtar la geyn lahaa, ehelada qaar leeyihiin qofkaan waa la sixray oo meelo kale lala aadayo.

Sucaad waxaa kale oo ay ka hadashay  isticmaalka maandooriyaha, waxeyna tilmaantay  caruurta Soomaalida ee qurbaha inuu fara ba’an ku hayo isticmaalka nuucyada kala duwan ee daroogada, sida xashiishada, halka dalkeena isticmaalka maandooriyaha qaadka uu kaalin weyn ka qaato kororka xanuunka ku dhaca maskaxda.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA OO DHAMEYSTIRAN.

https://www.youtube.com/watch?app=desktop&v=_crNqEdbxrA&fbclid=IwAR0HDVPZN2VBpzMzrT519msqp9G4730FbBJqMhJs07ekPAwlNzW7kL5gZc4

Related posts

Xiisada Mucaaradka & Farmaajo oo xoogeysatay & Kenya oo cadaadis ku heysa Jubbaland

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Loolankii Kenya & Jabuuti ee Golaha amaanka QM oo lagu kala baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---