Allbanaadir.com
NEWS

Gaari nuuca aan xabadaha karin oo loo adeegsaday Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu waday ruux naftiisa biimeeyay ayaa saakay ku qarxay xarunta dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar, taa oo kutaalla isgooska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi, waxaana la sheegay in gaariga Al Shabaab kasoo dhigeyn mid aan xabadaha yar yar karin, si uu uga gudbo koontaroolada ciidanka.

Afhayeenka ciidaka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in Al Shabaab qaraxa u adeegsadeen gaari ay soo maduufikeeyeen, waxa uuna xusay in gaariga si xoog ah uga gudbay koontaroolkii ciidanka joogeen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa saakay ka dhacay xarunta dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar in ay ku dhinteen labo qof uu ku jiro ninkii gaariga qarxay waday, sidoo kale ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo xooggan gaarsiiyay gaadiid iyo agabyo kale ay laheyd shirkad dhinaca nadaafada ka shaqeysa , taa oo ku shaqeeneysay xarunta saakay qaraxa lagu weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjirihii hore ee Maraykanka oo ka hadlay sida Somaliland ku heli karto aqoonsi

Caydiid Ali

Haweeney loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika

Cabdi Cade

Qadar oo ka laabatay Go’aan dad badan layaabeen oo ay horey u qaadatay !!

admin
Taboola Ads ---