Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia iyo Sababta ka dambeysa

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu maalinimada Khamiista isu dhiibi doono masuuliyiinta gobolka Georgia, si loogu soo oogo dacwado la xidhiidha, inuu si sharci darro ah u maleegay tallaabooyin uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday sannadkii 2020, taas oo uu ku guul daraystay.

“Ma rumaysan karaysaan inaan Khamiista aadayo Atlanta, Georgia, si lay xidho” ayuu bartiisa internetka ku soo qoray madaxweyne Trump, saacado uun ka dib markii maxkamaddu ay sheegtay in Trump lagu sii dayn doono dammaanad lacageed oo gaadhaysa $200,000, ka dib marka uu maxkamadda iska soo xaadiriyo.

Sarkaal ka tirsan xafiiska booliska ee degmada Fulton ayaa u sheegay warbaahinta galabnimadii Isniinta, in marka Donald Trump uu isa soo xaadiriyo, in guud ahaan la xidhi doono agagaarka xabsiga weyn ee degmadaas.

Sida ku cad waraaqaha maxkamadda ka soo baxay, waxaa Trump laga mamnuucay inuu u cago-jugleeyo dadka qaybta ka ah dacwaddan, markhaatiyada ama dhibbanayaasha, iyada oo laga mamnuucay, inuu u adeegsado warbaahinta bulshada, sida ku cad is-afgaradka dhex maray dacwad-oogaha degmada Fulton, Fani Willis, Garyaqaanada Trump iyo Garsooraha gacanta ku haya kiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho qaarkood oo saaka xiran & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Kheyre oo xalay ku lugeeyay qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rooble oo Caawa kulan Deg deg ah la qaatay Taliyaasha Ciidamada iyo Muudey (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---