Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xooggan oo Is-miidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax is-miidaamin ah oo jugtiisa si xooggan goordhaw looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay isgooska Ifka Xalane, waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helay gaariga oo nuuciisa lagu sheegay Layla Calaawi ayaa ku qarxay meel ku dhaw isgooska Ifka Xalane, waxaana gaariga inta uusan qarxin kahor lagu furay rasaas sida dad aaga ka dhaw sheegeen.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana jira sida aan wararka ku helnay khasaaro nafeed oo ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah ee goordhaw ka dhacay Muqdisho.

Waxii warar ee kusoo kordha qaraxa kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashaariic Horumarineed Oo Ka Socota Degmada Waesheekh (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jaamacadda Benaadir oo deeq Waxbarasho siisay Macalimiinta dugsiyada Muqdisho qaarkood

Caydiid Ali

Gunooyinka Golaha Wasiirada Somalia oo qeyb laga jaray iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---