Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug.
Kulankan ayaa la xiriiray dar dar gelinta abaabulka howgalka billowday ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay al-shabaab ka joogto Galmudug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dulqaado shacabka muddada dheer ku hoos nool.
Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug ayaa balan-qaaday iney diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada la dagaalanka kooxda Al-shabaab.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay bilaabeen guluf dagaal oo Al-shabaab looga saarayo degaano ka tirsan Galgaduud, iyagoo galabta la wareegay degaanka Wabxo, kuna wajahan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo muddo dheer ay xukumayeen Al-shahaab.