Allbanaadir.com
NEWS

Tahriinayaal lagu laayey xadka ay wadaagaan dalalka Sacuudiga & Yemen

Ciidamada ilaalada xudduudaha Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay inay dad badan ku laayeen xadka dalkaasi uu la wadaago Yemen sida lagu sheegay Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u doodad xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch

heyaddu waxay sheegtay in boqolaal qof oo ay ka mid yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah kana tallaabay xadka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan la toogtay. iyagoo doonayay inay gaaraan Sacuudiga.

Qaar ka mid ah Muhaajiriinta ayaa sheegay in ay xabaddu ka naafeysay kana goysay qaybo ka mid ah jirkooda sida lugaha, ayna arkeen meydad waddooyinka yaalla.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horay u diiday eedeymaha dilalkaas ka dhacay xadka Yemen oo sanadihii la soo dhaafay ahaa furun dagaal oo ay ku loolamayeen ciidamada Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Daawo:-Madaxtooyada Somalia oo bilowday talaabooyin lagu wiiqayo Mucaaradka

Caydiid Ali

Xarunta la Dagaalanka Ayaxa Soomaaliya oo Xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---