Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas ay ku sugan yihiin dagaalamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.
Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta oo kusii jeeda Wabxo ayaa dagaal culus waxaa kala hor-yimid dagaalyahanno katirsan Al Shabaab , waxaana dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeya ka socda inta u dhaxeysa deegaanka Gorof iyo degmada Wabxo.
Hubka culus iyo kan fudud ayey isku adeegsanayaan labada ciidan ee dagaallamaya, waxaana warar aan helnay sheegayaan in dagaalka dhacay uu khasaaro kala duwan kasoo gaaray labada dhinac ee is haya.
Sargaal katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in dagaalka ku jabiyeen kooxda Al Shabaab, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada sii wadaan howlgalka ay doonayaan in ay Al Shabaab uga saaraan degmada Wabxo.
Degmada Wabxo ayaa ah goob istataariiji u ah ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana degmada looga sii gudbi karaan degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo hoostaga, halkaas oo Al Shabaab ku leeyihiin fariisimo ciidan.