Allbanaadir.com
NEWS

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay Dibad bax lagu dalbanayay in la sii daayo Jen Sheegow

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibad-baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday xariga ciidanka dowladda u geesteen Jeneraal Sheegow.

Dadka dibad-baxa dhigayay ayaa socod ku maray xaafado katirsan magaalada Baladweyne , waxa ayna dadkan ku qeylinayeen ereyo ay ku dalbanayeen in lasii daayo jeneraal Shoogow ay sheegeen in si sharci darro ah loo xiray.

Sida aan wararka ku helnay dibad-baxayaasha ayaa markii dambe lagu furay rasaas dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaasi ka dhacay kala carar ay sameeyeen dadkii isku soo baxay.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay rasaasta ciidanka ku fureen dadka dibad-baxa dhigayay , waxaa sidoo kale la sheegay in rasaasta ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo kamid ahaa dibad-baxayaasha.

Dibad-baxan maanta ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho shalay ka dhacay dibad-bax rabshado watay oo dhigayeen dad taageersan jeneraal Sheegow.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah oo ku soo biirtay dagaalka & Gantaalo ku hoobtay woqooyiga Isreal

Caydiid Ali

Somtel oo soo af-jartay Ololaha ku shubo oo guuleyso 10000 Hadiyadood (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Iran oo gacanta ku dhigay Maraakiib laga leeyahay Imaaraadka oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---