Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Shabeellaha Dhexe Shiikh Yuusuf Kaba-Kutukade ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh inuu Galgaduud ka wado abaabul uu beelaha Soomaaliyeed iskaga horkeenayo.
Kaba-Kutukade ayaa sheegay in madaxweyne Xasan ka shaqeenayo in dhulka Murusade ku duulaan beelaha Hiraab gaar ahaan Habar Gidir iyo Abgaal, sidoo kale isku dirayo jufooyinka kale ee kawada tirsan beesha Habar Gidir.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray uga fal-celiyay hadalka kasoo yeeray sargaalkan katirsan Al Shabaab, waxa uuna xusay xildhibaanka in Al Shabaab joogaan gabaabsi ayna ka mareyso halkii ugu dambeysay.
Qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga hadlay arrintan ayaa u qorneed sida tan :
Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?.
Waxaa iswaydiin mudan maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?
Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan.
Abaal uma ergana kooxda argagexisada AS, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow kun Soomaali aaga Zoobe kaga dilay, waa kuwii hal doorka Soomaaliyeed ee sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsan jiray.
Waa kuwii Soomaali gumeeyey, gobbonimo u diiday, badayna in ay filkeed gurmad ciidan ka barido. Waa kuwii sababay in 3 malyan oo Soomaali ah dalka gudihiisa colaad, oon iyo gaajo ugu barakacaan. Waa kuwii magac dilay Musxaf, Masjid iyo Minbar diineed.
Cabsida, calaacalka iyo catawga kooxda wuxuu dhiirranaan siinayaa ciidanka xoogga dalka (CXD), iyo cududda macawiislay. Wuxuu yididdiilo u yahay dadka ay 15-ka sano dulmi, dullayn iyo darxumo la duljoogeen
Waxaase lagama maarmaan ah in hoosta laga xariiqo halbeegga guusha xorayn oo keli ah maaha, ee waa xorayn, xajin iyo xasilin wada socda. Waa in aysan dhicin in degaan argagexisada laga xoreeyey aysan dib u qabsan, dadkii la dirirayna ka aargudan.