Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin kale oo lagu doortay Doorasho ka dhacday Burco

Magaalada Burco waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha xisbiga haya talada maamulka Somaliland ee Kulmiye, waxaana shirkan lagu dooranayay guddoonka xisbiga iyo sidoo kale musharaxa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ku metalaya xisbiga.

Shirka oo lagu wado in maanta lasoo gabagabeeyo ayaa lagu doortay guddoonka xisbiga iyo musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ku metalaya doorashada la filayo in ay ka dhacdo Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhaw loo doortay in uu noqdo musharaxa xilka madaxweynaha ku matelaya xisbiga Kulmiye, halka madaxweyne kuxigeenka isna ku matelayo xisbiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin .

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale loo doortay Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, waxaana kuxigeenkiisa loo magacaabay Mudane Cabdicasiis Samaale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dowlado sheegay in ay hayaan Cadeymo ku aadan in Iran soo riday Diyaaradii Ukraine

Cabdi Cade

Dhaqaatiir iyo gurmad loo diray farumaha hore ee dagaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---