Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga oo bur buriyay fariisimo iyo godad Al Shabaab ku dhuumanayeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada Khaalid Binu Waliid ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen dhulka miyiga ee dhaca aaga degmooyinka Ruun-irgood iyo Galcad waxa ay ku bur buriyeen fariisimo halkaasi ku lahaayeen Al Shabaab.

Howlgalka ay ciidanka sameeyeen ayaa intii uu socday lagu bur buriyay fariisimo dhowr ah ay lahaayeen kooxda Al Shabaab, waxa ay sidoo kale ciidamada bur buriyeen godad dhufeesyo u ahaa kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweeyne ayaa sheegay in ciidanka bur buriyeen fariisimihii Al Shabaab ku lahaayeen dhulka howdka, waxa uuna xusay taliyaha in ay sii wadayaan howlgalada ay ku baacsanayaan Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Galmudug ka wada abaabulkii ugu dambeeyay howlgal la doonayo in Al Shabaab gabi ahaan looga saaro deegaannada Galmudug ka joogaan ,gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Madaxweyne Qoor-qoor lagu cadaadinayo inuu baajiyo dagaalka Guriceel?

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Maxkamad dil toogasho ah ku fulisay Lamaane aroos ahaa

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Abaal marin lagu gudoonsiiyay Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---