Waxaa magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay ciidamo maleeshiyo beeleed deegaanka ah, kuwaa oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab.
Maleeshiyada iyo hubkooda ayaa lagu soo bandhigay fagaare kuyaalla magaalada Caabudwaaq, waxa ayna sheegeen ciidankan deegaanka in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka Al Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug.
Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in Al Shabaab dagaal kala dhaxeeyo ayna ka qeyb noqonayaan dhameystirka kooxdaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabulka howlgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab lana doonayo in Galmudug looga sifeeyo, waxaana howlgalkan qeyb ka noqonaya ciidanka beelaha dega Galmudug.