Goob xaflad aroos ka socotay dalka Kenya ayaa mar qura murugo isku bedeshay, kaddib markii dad farxada xaflada arooska ka qeyb qaadanayay si lama filaan ah ugu geeriyoodeen goobtii xaflada ka socotay.
Inta la xaqiijiyay lix qof oo kamid ahaa dadkii damaashaadka xaflada arooska qeybta ka ahaa ayaa geeriyooday, kaddib markii dadkaan ku dhaceen god biyo ku jireen xilli ay ku dul ciyaarayeen .
Goobtii xaflada arooska ka socotay ayaa mar qura isku bedeshay murugo iyo argagax, waxa uuna shilkan ka dhacay xaafadda Kihunguro, ee deegaanka Ruiru ee duleedka magaalada Nairobi, caasimadda Kenya.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in dadka dhintay kul ciyaarayeen dhagax lagu daboolay ceel horey loo isticmaali jiray , dhagaxa oo si xooggan loogu dul ciyaaray ayaa sababay in dadka la dumo.
Dadkii ku sugnaa xaflada ayaa ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan dad kale oo kamid ahaa kuwii ku dhacay ceelka, waxaana xafladii arooska ee damaashaadka iyo farxada ku socotay isku bedeshay murugo iyo tacsi.