Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradkiisa

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta kulan kula qaatay Siyaasiyiinta Macaaradka ah ee Jubaland.

Kulankan ayaa lagaga hadlay sidii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa hawlgalka lagu xoraynayo JubBaland oo qeyb ka ah Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland

“Waxaa Sidoo kale Madaxweynahu uu Siyaasiyiintan ka aragtida duwan ka dhagaystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda wax ku oolka ah ee la xiriira Midnimada iyo wadajirka bulshada Jubbaland” ayaa sidoo kale lagu yiri warka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Xubnaha uu la kulmay Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo mar soo noqday Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee dowlada Somalia iyo xubno kale.

Ciilmooge ayaa ka mid ah siyaasiyiinta uu damaca kaga jiray qabashada hogaanka Jubbaland oo muddo ka badan 12 sano uu majaraha u hayo Axmed Madoobe, wuxuuna  marar badan dhaleeceeyey Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyey inuu yahay keligii taliye.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo la keenay Muqdisho iyo Warar sheegaya in loo qaadayo dalka…

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ka carooday qaabilaad uu sameeyey Safiirka Turkiga

Caydiid Ali

Fadeexad ku soo baxday Qareenka gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---