Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo) Madaale oo ka hadlay dibed-baxyadii maanta, digniin culusna soo saaray

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir jaraa’id kaga  Hadlay Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Madaale ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xaq dastuuri ah u leeyihiin iney dareenkooda ku cabiraan banaanbaxyo nabadeed, hase ahaatee aan la aqbali karin in  la sameeyo rabshado iyo burburka hanti kala duwan.

“Banaanbax in wax lagu gubo, lagu burburiyo hanti dan guud iyo mid gaar ah lama aqbali karo, waa nasiib daro in la gubo wadooyinkii aan ku dhiseynay mashruuca hal dollar ku dhiso dalkaagaa ee shacabku iska kaashanayeen, waxaana ka digeynaa in dhaqanka noocaas ah uu nagu soo laalaabto” ayuu yiri Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Muqdisho iney ilaashadaan hantidooda, isagoo xusay in waxyaabaha danta guud ah uusan jirin shaqsi gaar u leh, loona baahan yahay in la wada ilaashado.

“In la burburiyo gaadiid, goobo ganacsi iyo wadooyin ma ahan dibed-bax nabadeed waana in laga waantoobaa, wixii maanta halaabayna waa laga baaqsan karay, muwaadinka Soomaaliyeed ee dartiis loo banaan baxay gacan dowladeed ayuu ku jiraa ee gacan cadow kuma jiro, wuxuuna heli doonaan xuquuqda uu sharcigu siinayo, iyadoo aan lagu xad gudbin, isagana uguma horeeyo, ugumana dambeyn doono, waxaana codsaneynaa in lagu kalsoonaado cadaalada” ayuu yiri Madaale.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAALE

Related posts

Xiisad ka taagan garoonka Aadan cadde & Shaqaale careysan oo ku dhaqaaaqay shaqo joojin

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska oo qabtay burcad dhac ka geesan jirtay Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu afduubayo Doorashada Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---