Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) RW Xamse Barre oo arrin gaar ah kala shiray 12 Wasaaradood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakameynta iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee qeybta ka ah, inay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay sababaan isbeddelka cimillada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay sabab u tahay roobabkii oo yaraaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa kormeerey xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, waxuuna bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo wax ka bedelay Xeer ay muddo dheer ka doodayeen

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo caawa Isbitaalka ku booqday dhaawaca Macalimu (Sawirro)

Caydiid Ali

Xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Daacish oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---