Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul ka tirsanaa Midowgii Maxaakiimta oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah Shabaab

Dr. Cumar Axmed Weheliye oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida, ahna macalin culluunta islaamiga ah ka dhiga Jaamacadda Islaamiga Magaalada Rotterdam ee dalka Netherland ayaa ku tilmaamay diyaargarowga ciidamada Dowladda ku doonayaan inay guluf colaadeed ku qaadaan deegaanada Shabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug & Hirshabele, ayaa diyaar-garowgaasi ku tilmaamay inuu yahay dhoolatus dicaayad laga rabo.

“Xeeladaha dagaalka ka mid ah in ciidamo duulaan qaadaya in ay sii sheegaan halka ay ku duulayaan & xilliga ay duulayaan, dicaayad in laga rabo ayeey u badan tahay” Ayuu yiri Dr. Cumar Axmed Weheliye oo soo noqday Maareeyihii dekadda Muqdisho bartamihii 2006-dii xilligaas oo ku beegneyd markii Golihii Maxaakiimtu ay la wareegeen inta badan Gobolada Koofurta & bartamaha Soomaaliya.

“Dowladdu awoodeedu waa xadidan tahay marka loo eego awoodda milateriga, oo qalabka dagaalka marka la yiraa wax weyn oo ay kaga gedisan tahay ragga ay la dagaalameyso ma jiraan, wixii la dhihi jiray ciidamo milateri & qiimihii lagu aqoon jiray ma jiraan, dad un waa ciidamo Qaran la leeyahay ayaa meesha jooga” Ayuu yiri Dr. Cumar Axmed Weheliye, isaga oo dhinaca kale na xusay in guul kasta oo ay ciidamada dowladdu ka gaaraan dagaalka ay ku xiran tahay  taageerada ay muujiyaan dadka deegaanka.

Wareysiga Dr. Cumar oo dhinacyo badan taabanaya halkan ka daawo.

https://www.youtube.com/watch?v=ZhAYthluHn8

Related posts

Ciidamada DF Iyo kuwa Galmudug oo maanta la wareegay Saldhig Al Shabaab lahaayeen

Cabdi Cade

Tallaabo ay Qaaday Dowlada Turkiga oo si kulul loo cambaareeyay

Cabdi Cade

Cumar Finish oo qaraxii Muqdisho ka sheegay Hadal ay aad u dhibsadeen Shacabka Muqdisho !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---