Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxman C/shakur:” Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey dibed-baxa maanta”

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa si kulul uga falceliyey rasaastii ay maanta ciidamada DF u adeegsadeen dadweyne dhigayey dibed bax looga soo horjeeday xariga Jen. Sheegow Axmed Cali oo shalay ay xabsiga dhigeen ciidamada amaanka.

Sidoo kale C/raxmaan ayaa dhaliilay qaabka ay ciidamada DF u soo xireen Jen. sheegow oo uu sheegay inuu ahaa mid ka baxsan nidaamka dowladnimo.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO DHIGAY XILDHIBAAN C/RAXMAAN C/SHAKUUR BARAHA BULSHADA

Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii maanta Muqdisho ka dhacay. Raali kama ihi rabshadaha iyo dhagaxtuurka dibadbaxayaasha, waxaase ka halis wayn adeegsiga rasaasta nool.

19 Febraayo 2021, waxaa rasaas na huwiyey ciidanka Dawladda. Maalinkaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii xilka kaga horreeyey Shariif Sh. Axmad waxaa ku hareeraysnaa ciidan ku soo weeraray hoteelkii ay degganayeen.

Madaxweynihii sidaa yeelayna, maanta dal kale ayuu marti u yahay, kii uu weerarka ku ahaa ayaa dalka xukuma. Abwaan Cabdi Muxumad Amiin (AUN), ayaa laga hayaa

“Taariikhdu dadkay bartaa

Dunida waayaheedee”

Sheegow waa sarkaal ciidan, haddii uu dambi galay waxay ahayd in Maxkamad ciidan soo bixiso amarka soo qabashadiisa, shacabkana lagu wargeliyo hawlgalka ka dhanka ah, warbaahintana laga ilaaliyo sida bahdilan ee loo soo bandhigay. Laakiin dhaqanka askarta soo qabatay mid la daafaci karo ma ahayn, waxaase indhaha looga laabanayey dagaalka ay dawladu argagexisada AS kula jirto.

Haddiise xaalku gaaray in  dibad-baxayaal la rasaaseeyo, ilaa iyo haatanna aysan dawladdu ka hadal, waxaa nagu waajib ah in aan caddayno in uu gaboodfal yahay falka maanta lagu kacay.

Igama aha in aan daafacayo dibad-baxayaal la rasaaseeyey oo keli ah, ee waxaa iila jira in aan xuquuqdayda ka difaaco bawdka banaankiisa oo ayan sidani noqon wado halaq mareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay isbedel lagu sameeyey hogaanka IGAD (Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo soo Faragalisay Kacdoonka ka taagan magaalada Baladweyne !

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda DF & danjire Liu Yuxi? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---