Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo guddoomiyay Shir Xasaasi oo Cadale ka dhacay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale.

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha Xasilinta Deegaanada Hirshabeelle, Dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dardargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle Avv. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiimada uu Garsoorka u leeyahay Nabadda, daadajinta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadda sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Magacaabay ee ku baxay Dadaallada Xalinta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle.

Related posts

Gaari goor dhow ku qarxay Isgoyska Km-4 iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Soomaaliya Oo Sanado badan kadib Loo Ogolaaday In Ay Ku Biirto Ururka  COMESA 

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Dastuurka ha lagu qoro in Somalia laga mamnuuco Saldhigyo ciidamo Shisheeye”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---