Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Garawe iyo Booliiska oo ka hadlay

Waxaa xalay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidamada booliiska iyo ciidamo katirsan kuwa Danab ee Puntland siyaasad ahaana taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweyne Deni.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay saldhigga booliiska Israac ee kuyaalla magaalada Garawe, waxaana la sheegay is fahmi waa soo kala dhax galay labada ciidan uu sababay in ay isku dhacaan ayna rasaas isku furaan.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa sheegay in ciidamo ka ammar qaata Jeneraal Jimcaale Takar ay la dagaallameen ciidanka booliiska ee ku sugnaa saldhigga Israac.

Waxa uu xusay taliyaha in ciidanka iska hor-imaadka ku lugta lahaa ee ahaayeen kuwa cabsanaa oo isticmaalay khamri, waxa uu sheegay in ciidankan saldhigga geeyeen qof shacab ah ay gaarigiisa ku dhufteen gaari kale iyaga oo dalbanaya in loo xiro, taliyaha ayaana intaa ku daray in is fahmi waa kaddib goobta ka dhacday is rasaaseyn.

Taliyaha ayaa sheegay in iska hor-imaadka ku dhaawacmay hal askari oo katirsan ciidamadii saldhigga tagay, waxa uuna  ku eedeeyay ragga ka tirsan ciidanka Jimcaale Takar in ay mas’uul ka yihiin wixii ka dhacay saldhiga booliiska Garawe kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog cusub oo laga soo saaray Khasaaraha qaraxii Ex-Control & gurmadka socda

Caydiid Ali

Lataliyihii hore ee Farmaajo oo loo magacaabay Guddoomiyaha Madasha Lome

Cabdi Cade

Somaliland oo si adag uga hortimid Barnaamijka taakuleynta ee Baxnaano (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---