Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub kuyaalla oo Musaafurinaya kumannaan qaxooti ah ay ku jiraan Soomaali

Dowladda Sweden ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay adkeesay siyaasada soo dhaweynta qaxootiga dalkaasi soo galaya, waxa ayna xukuumadda dalkaasi ka jirta ay ka biyo diiday in ay soo dhaweeyaan qaxooti cusub.

Dad badan oo qaxooti ahaan isaga dhiibay dalka Sweden ayaa codsiyadooda magangalyo-doonka ah lagu adkeeyay, waxaana dadkaasi hadda dowladda Sweden qorsheeneysaa in ay dib ugu celiso dalalkii ay markii hore ka yimaadeen.

Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden ayaa sheegtay in la soo masaafurin doono kumannaan qaxootiga la diiday codsiyadooda Magangelyo-doonka iyo kuwo go’aansaday inay iskooda ugu laabtaan dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Qaxootiga laga tarxiilayo dalka Sweden ayaa la sheegay in tirada ugu yar ay kasoo jeedaan dalkeena Soomaaliya, halka dadka ugu badan ee dalalkooda dib loogu celinayo kasoo jeedaan dalalka Ciraaq, Iiraan iyo Afganistan.

Muhaajiriinta laga soo celinayo dalka Sweden ayaa markii hore dalkaasi ku galay qaab tahriib ah, waxaana muhaajiriintan dowladda diiday codsiyadooda magangalyo-doonka ah, waxa ayna dowladda hadda diyaarineysaa sidii dadkaasi dalalkooda ugu celin laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Xogta kulan dhexmaray Deni iyo La taliyaha dowlada Mareykanka

Caydiid Ali

Video:-Mooshin laba dhan ah oo la diyaarinayo iyo Eng Yarisow oo Burburiyay Sanadaqo Ganacsi iyo Warar kale …

admin

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay Dibad bax lagu dalbanayay in la sii daayo Jen Sheegow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---