Maamulka Kuuriyada Woqooyi ayaa wiil laba sano jir ah ku xukumay xabsi daa’in kaddib markii ay saraakiishu guriga qoyskiisa ka heleen Kitaabka Baybalka oo ay aqrinayeen waalidka ilmahan yar.
Nidaamka kelitaliska ee dalkaas xukuma ayaan ogoleyn dhamaan diimaha.
Sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay faafisay Jamciyadda Xorriyadda Diimaha Caalamiga ah Masiixiyiin gaaraya 70,000 kun oo qof ayaa ku xiran Kuuriyada Woqooyi.
Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jung Un iyo aabayaashiis ayaa muddo dheer dalkaas ku maamulayey gacan bir ah.
Qofkii lagu qabto nuqul ka mid ah Kitaabka Masiixiga iyo kutubta diimaha kale ayaa Woqooyiga Kuuriya waxaa ka yaalla ciqaab dil ah, halka qoysaskooda oo ay ku jiraan carruurtu lagu xukumo xabsi daa’in.