Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Suuragal ma tahay in Ciidanka Dowlada ay shan bilood ku soo afjaraan Al-shabaab?

Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bilo gudahood ay ku ciribtirto Al-Shabaab, balse dadka falanqeeya arrimaha geeska afrika ayaa shaki geliyay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guluf militari oo ka dhan ah Al-Shabaab looga golleeyahay in lagu cirib tiro kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida shanta bilood ee soo socota, balse khubarada dhinaca ammaanka ayaa su’aal ka keenay mudadaas.

Madaxweyne Maxamuud ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu si rasmi ah wajiga labaad ee ololahan uga bilaabo bartamaha Somalia, halkaasoo kumanaan ciidamo ah ay isku uruursanayaan ka hor inta aan la geynin furimaha hore ee dagaalka.

Wajiga koowaad ayaa soo bilowday bishii August ee sanadkii hore, iyadoo ciidamada ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Wadashaqeynta naadirka ah waxay gacan ka geysatay soo saarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray al-shabaab tan iyo bartamihii 2010-meeyadii, laakiin al-Shabaab ayaa sii waday weerarrada ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.

Wajiga labaad ee howlgalka ayaa lagu wadaa in laga fuliyo koonfurta Soomaaliya oo kooxda Al-Shabaab oo tan iyo sanadkii 2006 ka waday kacdoono ka dhan ah dowladda.

“Waxaan rabnaa inaan Al-Shabaab ka saarno dalka shanta bilood ee soo socda,” ayuu Xassan Shiikh ka sheegay magaalada Dhuusomareeb.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa shaki ka qaba in kooxdan lagu cirib tiri karo shan bilood, waxayna sheegeen in ciidamada dowladda ay leeyihiin khibrad iyo awood yar oo aan suuragal ka dhigi karin qorshaaas.

Dhibaatada ugu weyn ee ciidamada heysata ayaa waxay tahay iyagoo u kala qoqoban kooxo ama guutooyin qabaail salka ku haya, taasoo meesha ka saareysa iney noqdaan ciidan leh cudud iyo hogaan mideysan.

Khubaro caalami ah ayaa rumeysan iney adag tahay si fudud in Al-shabaab dalka looga sifeeyo sababo la xiriira kooxda oo mar walba la soo baxda xeelado cusub oo sii dheereynaya jiritaankooda

Related posts

Ciidamada Danab iyo Ciidamo Mareykan ah oo howlgal dhiig ku daatay ka fuliyay Jilib

Cabdi Cade

Shir Muhiim ah oo Puntland & Galmudug u furmay iyo Qodobada looga hadlayo(Sawirro)

Cabdi Cade

Imaaraadka oo baraha bulshada ka bilaabay dagaal ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---