In ka badan 24 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Jabuuti.
Dadka la weysan yahay ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen Badda.
Mashaqadan naxdinta leh ayaa ka dhacday habeenimadii Khamiista, Agoosto 17-keedii, degaanka Godoria, oo u dhow magaalo-xeebeedda Obock.
Ku dhawaad 60 muhaajiriin ah ayaa saarnaa Doonta, kuwaasoo ay ku jiraan 18 haween ah iyo ugu yaraan 2 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 18 sano jir Sida laga soo xigtay muhaajiriinta la soo badbaadiyay.
Waxaa Ilaa hadda la helay meydadka 11 qof, 26 kale oo tahriibayaal ah ayaa la soo badbaadiyay, Waxaa wali socda baadi goobka dad nool iyo samatabixin ay wadaan ciidamada badda Jabuuti.