Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Caro xooggan oo ka dhalatay talaabada dowlada Somalia ku xirtay Jen. Sheegow

Falcelin adag ayaa ka dhalatay xariga ciidamada Booliska Somalia kula kaceen Jen. Sheegow Axmed Cali oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo ku lug yeeshay iska horimaad culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal xalay illaa saaka ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay ciidamada xasilinta Caasimadda iyo ciidan ka amar qaadanayay Jen Sheegow oo ah sarkaal hore oo ka tirsaan ciidanka xoogga dalka.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen Sheegow Maxamed Cali iyo 18 ka mid ah ciidankiisa. Waxaana uu sheegay in ciidamada Sheegoow ay billaabeen dagaalka.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka oo muddo saacado ah socday ayuu Doodishe ku sheegay saddex askari oo dhimasho ah oo laba ka mid ah ahaayeen ciidanka Sheegoow, halka kan kale uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka dowladda..

Afhayeenka booliska ayaa sarkaalkan iyo ciidankiisa ku eedeeyay amni darro ka jirtay degmada Dharkeynley oo ah halka uu ka dhacay dagaalkii xalay.

Hase ahaatee xariga sarkaalkan ayaa waxaa caro xoogan ka muujiyey dad iskugu jira masuuliyiin, waxgarad iyo qeybaha bulshada beesha Jareerweyne oo dowlada Somalia ku eedeeyey in sarkaalkan loo beegsaday maadaama uu ka soo jeeda beesha Jareerweyne oo ka mid ah beelaha aan hubeysneyn.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Hirshabelle Cabdishakuur Shaashaa oo si caro leh uga hadlay arrintan ayaa sheegay in xariga Jen. Sheegow uu sababi karo kacdoon hubeysan oo ay sameeyaan beesha Jareerweyne haddii aan si dhaqsi ah loo sii deyn.

Jen. sheegow Axmed Cali waa la dulmiyey, gurigiisa ayaana lagu weeraray, aniga Wasiir ayaan ahay, laga yaabe shirkan jaraa’id ee aan qabtay inaan xilkayga ku waayo, laakiin wax kastoo dhaca kama aamusayo dulmiga lagu hayo dadka aan ka soo jeedo” ayuu yiri Shaashaa.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada isqabsaday dad kala duwan oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne, kuwaasoo si caro leh uga falcelinaya xariga Jen. sheegow oo ay sheegeen inuusan dhici laheyn haddii uu ahaan lahaa qof ka soo jeeda beelaha hubeysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

IGAD oo taageertay codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka (Sawirro)

Cabdi Cade

Norwey oo xabsiga dhigtay gabdho Soomaali walaalo ah oo ku biiray Daacish

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho 

admin