Allbanaadir.com
NEWS

Nin Ciraaqi ah oo gubay kutaabka Qur’aanka oo lagu dhegan yahay iyo kiisas kusoo baxay

Hay’adda Socdaalka Sweden (Migrationsverket) (Swedish Migration Agency) waxay Wareysi socday muddo dhowr saacadood la yeesheen Salwan Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi Kirishtan ah, kaasi oo dhowrkii bilood la soo dhaafay Xadgudub iyo Ihaano u geystay Diinta Islaamka.

Waxa uu horey u geystay Falal uu Nuqulo Masxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay barxadda Masjid Jaamaca ee ugu weyn magaalladda Stockholm, Safaaradaha Iraq iyo Iran ku leeyihiin Sweden.

Bishii July 11-dii, Hay’adda Socdaalka Sweden waxay furtay Kiis lagu baarayo haddii Salwan Momika lagala laabanayo Deganaanshaha Sweden iyo Heerka Ilaalinta Khaaska ee Bad-qabkiisa.

Hay’adda Socdaalka Sweden ayaa sheegtay inay Warbixino Cusub ka heleen Dadweynaha oo ku aadan Xogaha Taariikhdii hore ee Ninkaasi sida joogtada Xadgudubyada u geysta Diinta Islaamka.

Hay’addaasi waxay Khamiistii la soo dhaafay u yeertay Salwan Momika, waxayna Kulan socday dhowr saacadood kula yeesheen Saldhig Bolis oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Stockholm, sababo la xiriirta Khatarta Amni.

Warbaahinta Wararka Sweden ee SVT Nyheter (SVT News) oo la hadashay Madaxa Warfaafinta ee Hay’adda Socdaalka Sweden, Jesper Tengroth ayaa xaqiijiyey inuu Kulankaasi dhacay, balse, kama uusan bixinin Faahfaahin dheeraad ah.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta SVT waxay Saraakiisha Hay’adda Socdaalka Sweden wax ka weydiiyeen Salwan tiro sawiro ah oo uu ku soo galay gudaha dalka Iraq.

Sawiradaasi waxaa ka mid ahaa kuwo la arkayey isagoo Qori AK-47 ku haystay Deegaano Ciiddan (military environments).

Muuqaalo Video iyo Sawiro lagu faafiyey Baraha Bulshada ayaa waxay muujinayaan inuu Salwan Momika door hoggaamineed ku lahaa Kooxaha hubeysan ee Maleeshiyaadka Kirishtaanka Iraq ( A leadership role in Christian militia group) oo qeyb ka ahaa Dallada Ururada Muslimiinta Shiicada Iraq ee Xiriirka dhow la leh Dowladda Iran.

Hay’adda Socdaalka Sweden waxay kaloo soo bandhigtay sawir kale oo muhiim ah oo muujinaya Salwan Momika oo sanadkii hore ee 2022-kii dhex taagan Dibadbaxayaal ku sugnaa Afaafka hore ee Dhismaha Barlamaanka Iraq ee magaalladda Baqdaad.

Sawirkaasi ayaana caddayn u ah inuu Iraq ku laabtay, markii uu iska dhiibtay dalka Sweden, isagoo horey Saraakiisha Hay’adda Socdaalka Sweden ka codsaday Magangelyo Siyaasadeed.

Waxa uu xilligii uu iska dhiibayey Sweden ku andacooday inuu dalkiisa Hooyo uga soo cararay sababo la xiriirta Noloshiisa oo Khatar gashay.

Si kastaba, Baaritaanka Hay’adda Socdaalka Sweden ee Kiiska Salwan Momika waxay socon kartaa xilli dheer, iyadoo Madaxa Warfaafinta ee Hay’adda Socdaalka (Migrationsverket), Jesper Tengroth rumeyaan yahay inay muhiim tahay in dhinacyada ku Lugta leh Kiiakaasi la siiyo Fursad ay Ra’yigooda uga dhiibtaan Go’aanka laga gaarayo Salwan Momika oo Xiisad Diblomaasiyadeed dhex aloosay Sweden iyo Muslimiinta Caalamka.

Related posts

Soomaaliya iyo Hindiya oo kawada hadlay arrimo labada dal muhiim u ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo xirtay goob lagu caweeyo oo Soomaali leedahay kaddib dacwo laga …

Cabdi Cade

Dowladda Dhaxe ee Itoobiya oo War kasoo saartay dagaalkii Al Shabaab iyo Liyuu Booliis

Cabdi Cade