Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo sheegtay in Sheegow uusan aheyn Jeneraal lagana ruqseeyay ciidanka DF

Sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya iyo ciidan ka ammar qaata ayaa xalay ilaa saakay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay kula dagaallameen ciidamo katirsan kuwa xasilinta caasimadda ee booliisa Milataare.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga qabteen sargaalka iyo ciidankii u dagaallamayay, waxa uuna sheegay in hadda ku socdaan baaritaano lana horgeyn doono caddaaladda.

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska sargaalka la qabtay oo lagu magacaabo Sheegow Xasan Cali darajadiisu aysan aheyn generaal balse yahay kabtan, waxa uuna intaa ku daray in sargaalkan ciidanka dowladda horey looga ruqseeyay.

Afhayeenka ayaa sheegay in guriga sargaalkan ay gabaad ka dhigan jireen kooxo burcad hubeesan oo dadka dhac u geysan jirtay, waxa uu sidoo kale xusay in guriga sargaalka laga soo qabtay lacagaha sharci darada ah ee la dhaqo.

Sargaalkan ciidamada ammaanka xireen ayaa ahaa mid heesta ciidan hubeysan oo beeshiisa kasoo jeeda, waxaana marar badan lagu eedeeyay ciidanka gurigiisa jooga in falal ammaan daro gaar ahaan dhac ku lug yeesheen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Axmed Siilaanyo

Cabdi Cade

Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay in xabsiga lagu sii hayo Antony Thomas

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo xil u magacaabay Cabdisamad Salaad Aadan (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---