Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad soo martay Soomaaliya oo la qabtay iyada oo wada lacag badan ,hub iyo Dahab

Bishan August 13-dii waxaa Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Kenneth Kaunda International Airport ee ku yaalla Caasimadda dalka Zambia ee Lusaka lagu qabtay Diyaarad la sheegay inay waday Shixnad Lacag, Dahab iyo Hub.

Diyaaradaasi oo ka timid Qaahira waxay waday lacag dhan 5.7 million oo Dollar, Dahab, Bistoolado iyo rasaas fara badan.

Madaxa Guddiga La-dagaalanka Daroogaa ee dalkaasi (DEC), Nasun Banda oo ka hadlay Shir Jaraa’id waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen ilaa 10 qof oo Ajaaniib ah, kuwaasi oo la socday Diyaarada la qabtay oo nooceedu ahaa Bombardier, Global Express T7-WSS.

Waxa uu xusayinay qabteen 6 Masaari ah, Nin u dhashay dalka Spain iyo 3 qof oo ka soo kala jeeda dalalka Latvia, The Netherlands (Dutch) iyo Muwaadin Zambian ah.

Dhinaca kale, Shabakada La-socodka Duullimaadyada Diyaaradaha Caalamka ee Flightradar24 ayaa waxay soo bandhigtay dalalka ay Transit ku soo martay Diyaaradda weli ku xayiran Garoonka Diyaaradaha KKIA ee ku yaalla Caasimadda dalka Zambia ee Lusaka.

Wargeyska Zambian Observer waxa uu ka soo xigtay Shabakadda La-socodka Duullimaadyada Diyaaradaha Caalamka in Diyaaradda GLEX ama T7-WSS ay bishan 12-dii, Abaarihii 08:09 Fiidnimo ka soo duushay Caasimadda dalka Urdun ee Amman, kadibna ay ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira.

Shabakadda La-socodka Duullimaadyada Diyaaradaha Caalamka ee Flight Radar 24 waxay kaloo bartooda soo dhigeen inay Diyaaradda T7-WSS ama GLEX wax yar kadib u safartay dalka Somalia, oo ay uga sii gudubtay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa ilaa ay ugu dambayntii Diyaaradda ka caga dhigatay Garoonka Kenneth Kaunda International Airport ee Lusaka abaarihii 06:14 daqiiqo ee xilliga dalka Zambia.

Si kastaba, Diyaaradda ku xayiran dalka Zambia kama diiwaan gashana dalka Masar, balse, waxaa laga leeyahay oo ay ka diiwaan gashan tahay SAN MARINO oo ah dal yar oo aan Bad lahayn, kuna dhex yaalla dalka Talyaaniga.

San Marino waa dalka 5-aad ee ugu yar Caalamka, waxaa ku nool 33,744 oo qof.Baaxada dalkaasi waa 61.2 KM oo isku wareeg ah.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa looga hadlayaa wadahadalka cusub ee u Furmay Itoobiya iyo TPLF?

Caydiid Ali

Akhriso: Warqadii lagu damiintay C/raxmaan C/shakuur iyo Shuruudo adag oo lagu xiray Damaanadii lagu daayay 

admin

Abwaan Caan ah oo lagu eedeeyay in Caasi waalideyn yahay oo saakay xukun adag lagu riday

Cabdi Cade