Allbanaadir.com
NEWS

Hoobiyaal saakay lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo khasaaro ka dhashay

Tiro hoobiyaal ah ayaa saakay oo Sabti ah lagu garaacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaasha qaarkood la sheegay in ay ku dhaceen gudaha garoonka .

Dhawaqa hoobiyaasha ayaa saakay laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaashan qal qal ka abuuray gudaha garoonka Aadan Cadde iyo sidoo kale xaafadaha ku dhaw dhaw.

Sida aan wararka ku helnay hoobiyaasha qaarkood ayaa ku dhacay meel ku dhaw garoonka Aadan Cadde, halka qaarkoodna la sheegay in meelo bannaan oo katirsan garoonka diyaaradaha ay ku dhaceen.

Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay hoobiye ku dhacay meel ku dhaw garoonka  Aadan Cadde, waxaana dadka dhaawacyada soo gaareen loola cararay laguna daweenayaa xarun caafimaad oo kutaalla Muqdisho.

Kooxda Al Shabaab ayaa mararka qaar hoobiyaal kusoo tuurta xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo garoonka Aadan Cadde, hoobiyaasha qaarkood oo ku dhaca xaafado shacab degan yihiin ayaa dhaliya khasaaro nafeed oo shacabka soo gaara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Go’aan Ay Wasaaradda Qorshayntu Ka Qaadatay Hay’adaha Caalamiga Ah

Cabdi Cade

Daawo: Kenya oo bilowday shirqool cusub & fadeexad lala damacsanaa Khayre oo …..

Caydiid Ali

DEG DEG: Farmaajo oo ka hor yimid amarkii uu Rooble siiyey ciidanka ATMIS

Caydiid Ali
Taboola Ads ---