Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo si adag uga hadashay weerarka la sheegay in lagu qaaday guriga Jeneraal Sheegow

Sargaal ciidan oo katirsan maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay weerar la sheegay xalay lagu qaaday guri uu Muqdisho ka deggan yahay taliye ciidan oo ka soo jeeda beelaha laga tira-badan yahay oo lagu magacaabo jeneraal Sheegow.

Agaasime ku xigeenka Ciidanka PMPF ee Puntland Maxamuud Silaal Cumar ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in dulmi iyo hayb-sooc lagu weeraro Gen. Sheegow oo ka soo jeeda beelaha laga badan yahay.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in Puntland u taagan tahay ilaalinta sharafta iyo cirdiga dadka laga tira-badan yahay ee loogu xoog-sheeganayo awoodda dowladnimada.

“General sheegoow, aqbali-maynno in dulmi lagu weeraro iyo hayb-sooc. Dawladda puntland waxay u taagantahay ilaalinta sharafka iyo cirdiga dadka laga tira badanyahay ee loogu xoog sheeganayo awoodda iyo sharciyadda dawladnimada” ayuu yiri Maxamuud Silaal.

Hadalkan kasoo yeeray sargaalkan katirsan maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal saacado badan socday oo u dhaxeeyay ciidamada xasilinta caasimadda iyo ciidamo taabacsan sargaal lagu magacaabo jeneraal Sheegow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo War xasaasi ah kasoo saaray shaqaaqadii Kismaayo

Cabdi Cade

Maxkamad xukun adag ku riday Madaxweynihii hore ee Koonfur Kuuriya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo ku guuleysatay guddoomiye Ku-xigeenka heyad caalami ah & Warar kale oo xiise badan

admin
Taboola Ads ---