Allbanaadir.com
NEWS

Nin goob fagaare ah isku gubay iyo hadal heyn badan oo ka dhalatay falkaasi

Nin u dhashay dalka Kenya ayaa goob fagaare ah oo kutaalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya isku gubay, ninkan ayaa la sheegay in uu ka bannaan baxayay sicir barar ku yimid raashinka quutul daruuriga.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay ninkan oo saaran taallo kutaalla bartamaha magaalada Mombasa, waxaana ninkan oo ku dhawaaqayay ereyo uu uga soo horjeeday sicir bararka markii dambe dab is qabadsiiyay.

Ninkan oo calanka Kenya gacanta ku sitay ayaa isaga oo qeylinaya dab isku daaray, waxaana ninkaasi si deg deg ah ugu gurmaday dadkii goobta ka agdhawaa oo dabka ka damiyay ,kaddibna ula cararay isbitaal hadda lagu daweenayo.

Baraha bulshada dalka Kenya ayaa si weyn looga hadal hayaa falka uu ninkan ku dhaqaaqay, waxa ayna dadka qaarkood sheegeen xaalada adag ee ka dhashay sicir bararka ay saameesay nolosha dad badan oo Kenyan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Damqashada iyo Xanuunka uu reebay Tacadigii Marxuumad Caasha Ilyaas Aadan

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira

Cabdi Cade

Farmaajo oo si adag uga hadlay Weerarkii Liido Baaqna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---