Laba Nin oo Qaxooti Kirishtaan Ciraaqiyiin lagu kala magacaabo Silwan Momika & Silwan Najam ayaa waxay galabta Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubeen Dhismaha Safaarada Jamhuuriyadda Iran ku leeyihiin caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.
Haweeney ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta lagu gubay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa waxay toos u abaartay kuwii ku xadgubayey Kitaabka, waxayna lasoo baxday Qalabka Dabka Damiska oo ay ku buufisay kuwii gubayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka.
Boliska goobta joogay ayaa waxay Haweeneydii ka qaadeen Qalabka Dab-damiska ay wadatay.
Boliska waxay si halhaleel ah ula carareen labadii nin ee gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, ka hor intaysan jeedinin hadalo ka dhan ah Islaamka.
Ciiddan Bolis oo aad u fara badan ayaa ilaalo ka hayey Fagaaraha Safaaradda Iran ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo Waddooyinka soo gala iyo dhulka Kaymaha ee ku hareeraysan.
W/T Ustaad Nuradin Abuukar