Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

20 dagaalyahan oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaanka Cali Fuuto

20 xubnood oo ka tirsan al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah uga fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose

Telefishanka Qaranka DF ayaa sheegay in howlgalkaan uu dhacay xalay abaaro saddexdii habeenimo, waxaana lagu bartilmaamedsaday laba guri oo ay al-shabaab ku diyaarinayeen rag hubeysan iyo walxaha qarxa.

Waxaa sidoo kale la sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey guryihii fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee ay halkaas ku diyaarinayeen.

“Howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa burburinta kooxaha khawaarijta, iyadoo ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ay ka go’an tahay sifaynta kooxdaasi” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

 

Related posts

Faahfaahin: Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

MeelKasta oo Aadame Tagey Ayaan Darro Ayaa Laga Soo Sheegayaa!

admin

Guddiga KMG ah ee doorashada Puntland oo qoraal digniin ah soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---